Madaxweyne Farmaajo oo xalay la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya

0
702

Madaxweyne Farmaajo oo xalay la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay magaalada Nairobi kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

Xaflada oo xalay ka dhacday Hotelka Laico Regency ayaa muddo saacado ah ay dib uga dhacday waqtigii la filayay, iyadoo la dhaliilay qaabka hab maamuuska Safaaradda Soomaliya ee Nairobi.

Madaxweynaha ayaa uga warbixiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed xaaladaha uu dalku ku sugan yahay xilligan , horumarka ay ku tallaabsatay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa uga warbixiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed isbadallada ka jira Geeska Afrika iyo sidii shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan uga qeyb qaadan lahaayeen Barnaamijka Is-xilqaan ee ay Dowladdu dib ugu dhisayso xarumaha danta guud.

Kulanka uu Madaxweynaha la qaatay Jaaliyadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya, siyaasiyiin iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here