Mucaaradka Suuriya oo beeniyay in ay sun u adeegsadeen dagaalka ka qarxay magaalada Alepo

0
804

Mucaaradka Suuriya oo beeniyay in ay sun u adeegsadeen dagaalka ka qarxay magaalada Alepo

Hogaamiyaha kooxda xornimo u dirirka suuriya kooxaha hubeysan ee taageerada ka helaya dowlada turkiga iyo ciidamada xorta ah ee suuriya ayaa dhamaantood beeniyay in ay ka danbeeyeen weerar loo adeegsaday kiimikada gaaska ah oo ka dhacay magaalada Aleppo.

Madaxa dhanka sharciga u qaabilsan mucaaradka NLF mr Omar Huthayfa, ayaa u sheegay warbaahinta in mucaaradka hubeysan aysan adeegsan wax sun kiimiko ah.

Waxaa uu sheegay in uu aaminsan yahay in weerarkan ay ka danbeysay dowlada suuriya oo labadii maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa deegaanada Ghouta iyo Khan Sheikhoun balse qaramada midoobay iyo wadamada caalamka aysan ka hadlin.

Waxaa uu intaa ku daray in ciidamada suuriya lagu yaqaano weerarada ceynkan oo kale ah in marwalbo ay ku eedeyso mucaaradka.

Hadalkaan ayaa imaanaya waxyar uun kadib markii dowlada ruuska oo taagereysa xukuumada Bishar Al-Asad ay ku eedeysay mucaaradka suuriya in ay bilaabeen adeegsiga sunta kiimikada ah ee loo yaqaan chlorine-ka habeenkii xalay ee sabtida.

Afhayeenka Milatariga Ruushka Igor Konashenkov oo warbaahinta ugu waramay magaalada caasimada ah ee Moscow ayaa sheegay in ay burburiyeen difaacyo ay mucaaradka uga sugnaayeen deegaano ku yaal waqooyiga Suuriya.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looma cadeyn tirakoobka laga hayo qasaaraha ka soo gaaray dadka rayidka ah suntaan marka laga reebo 170 ruux oo xili hore la soo tabiyay in ay sumoobeen.

Ilaa iyo hada ma jirto cid si rasmi ah u cadeyn karta in dagaalka ka qarxay koonfurta magaalada Alepo la isku adeegsaday sunta Gaz-ka,balse taqaatiirta magaalada ayaa sheegay in ay shaki ka qabaan arintaan.

Degaanada ku yaal waqooyiga suuriya oo ay isku horfadhiyaan mucaaradka iyo ciidamada dowlada suuriya ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay ahaa kuwo degan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here