Ciidamada Booliska oo xalay howlgal ku qaaday mid ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir

0
571

Ciidamada Booliska oo xalay howlgal ku qaaday mid ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir

Ciidamada Booliska ayaa xalay howlgallo baaritaano ku qaaday xaafado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana howlgalka ahaa mid saacado badan qaatay.

Baaritaanada Ciidamada Booliska baarayay dadka lugeynaya iyo gawaarida, waxaana howlgalkan lagu soo qabtay dhalinyaro fara badan oo Ciidamada Amniga uga shakiyeen inay ku lug lahaayeen falal amni qalqal ku ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in sheegaya in Ciidamada oo aad u hubeysnaa xaafadaha iyo waddooyinka degmada soo buuxiyeen, iyagoo dadka weydiinaya su’aalo, isla markaana baaraya.

Inta badan Ciidamada Amniga ayaa xilliyada habeenkii waxay howlgallo baaritaano ka sameeyaan xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheysan, waxaana labadii todobaad Muqdisho lagu dilay illaa toban ka mid ahaa shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here