Xasan Sheekh Maxamuud oo dhaliilay hanaanka dowladda Somaliya u wajaheyso isbedelada Geeska Afrika

0
916

Xasan Sheekh Maxamuud oo dhaliilay hanaanka dowladda Somaliya u wajaheyso isbedelada Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Magaalada Kismaayo kaga qayb galay dood ayaa si wayn u dhaliilay habka dowladda Federalka Somaliya ay u wajaheyso isbedelada ka socda Geeska Afrika.

Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa wuxuu sheegay xilligaan in aanan la joogin waqtigii dowladda Itoobiya Siyaasad ahaan iyo Dhaqaalaha ahaanba lala midoobi lahaa, maadaama Somaliya aysan ka jirin dowlad awood leh oo muuqata.

“Midda aan maanta la bilaabi karin, maanta anaga iyo Itoobiya Siyaasad ayaa la bilaabayaa oo lagu midoobayaa lama dhihi karo waqtigeedana ma’ahan, dalkaan markii uu dego oo dowlad uu yeesho ayaa bal la dhihi karaa dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha aan eegno.” Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Maalmo ka hor Xukuumadda Somaliya ayaa waxa ay ku faantay kobac dhanka dhaqaalaha ah inay sameysay, balse Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay kobaca Dhaqaalaha Somaliya inuu soo bilowday sanadkii 2013-kii wixii xilligaasi ka dambeeyayna, sanadka kasta isbedelka kobacaha Dhaqaalaha inuu sii socday.

“Sanadkii 2013-kii ayeey soo bilaabatay miisaaniyadda korarka sanadba sanad ka dambeeyay waa ay sii kordheysay, korarsiimadii ugu badneynd ee Dhaqaale wuxuu dhacay xilligii aan anaga haynay talada, maaliyadda waa meesha dacaayad iyo Barobagaando aanan laga sameyn Karin.” Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Isbedelka ka socda Geeska Afrika ayaa wuxuu albaabada u furay wax badan, maadaama isu soo dhawaansho ballaaran ay sameynayaan dowladaha Gobolka oo muddo siyaasad kala fog ay dhex tiilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here