Madaxwayne Biixi Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Hadda Ka Ambabaxay Magaalada Burco Iyo Deegaanka Ay Ku Sii Jeedaan

0
580

Madaxwayne Biixi Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Hadda Ka Ambabaxay Magaalada Burco Iyo Deegaanka Ay Ku Sii Jeedaan

Madaxwaynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hogaaminayay ay hadda ka ambabaxay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo ay ilaa shalay ku sugnaayeen.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa wararku sheegayaan in uu u baxay magaalada Oodwayne ee xarunta gobolka Daadmadheedh.

Ujeedada safarka madaxwayne Biixi saaka ugu baxay magaalada Oodwayne ayaa salka ku haysa sidii uu u dhagax dhigi lahaa Riig Biyood cusub oo la sheegay in laga qodayo gobolka Daadmadheedh.

Madaxwaynaha iyo waftigiisi ayaa maanta loogu qaddo sameeynayaa magaalada Oodwayne waxaana soo dhawaynta madaxwaynaha laga dareemayo magaalada Oodwayne.

Ila maanta ayaa la filayaa inuu kasoo laabto madaxwayne Biixi isaga oo dib ugu soo guryo noqonaya magaalada Burco. Lama garanayo inuu sii dhaafi doono Burco iyo inuu dib ugu soo laaban doono magaalada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here