Madaxweynaha Somaliya Farmaajo Oo Saaka Safar Ugu Baxay Dal Ku Yaala Qaarada Yurub

0
547

Madaxweynaha Somaliya Farmaajo Oo Saaka Safar Ugu Baxay Dal Ku Yaala Qaarada Yurub

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka lagu wadaa inay u ambabaxaan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Madaxweyne Farmaajo ayaa martiqaad rasmi ah ka helay dowladda Talyaaniga, waxaana la filayaa in marka uu gaaro Rome uu la kulmo madaxda dalkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda Talyaaniga kala hadli doona xiriirka labada dal, iskaashiga iyo arrimo kale, waxaana Talyaaniga uu ka mid tahay dalalka ka taageera dowladda Soomaaliya qalabeynta ciidanka iyo tababarka Ciidanka Booliska.

Talyaaniga ayaa horay u gumeystay Soomaaliya, hase ahaatee 10-kii sano ee u dambeeyay doorka uu ku lahaa Soomaaliya ayaa muuqan, kaddib markii dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Turkiga iyo Ingiriiska ay kaga saameyn bateen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here