Madaxweynaha Jarmalka oo booqasho sadex maalin ah uga bilaabatay Koonfur Afrika

0
663

Madaxweynaha Jarmalka oo booqasho sadex maalin ah uga bilaabatay Koonfur Afrika

Madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeier, ayaa maanta oo isniin ah booqasho sadex maalin ah uga bilaabatay wadanka koonfur Afrika,kaasi oo diirada uu ku saari doono xiriirka Ganacsi ee labada Dal.

Koonfur Afrika ayaa ah wadanka kaliya ee ku yaal qaarada Afrika ee xubinta ka ah wadamada ku hormaray dhanka warshadaha ee loo yaqaan G20.

Mr Steinmeier oo ka dagay magaalada Johannesburg,ayaa isla maanta galinka danbe u duuli doona magaalada Cape Town isaga iyo ganacsato waaweyn oo ka mid wafdigiisa.

Waxaa uu sheegay in koonfur Afrika ay tahay dalka kaliya ee ku yaal Afrika oo muhiimada ganacsi uu siinayo Jarmalka.

Maalinta barri oo talaado ah ayaa Mr Steinmeier waxaa uu kulan la qaadan doono dhigiisa koonfur Afrika Mr Cyril Ramaphosa, oo xilka qabtay bishii Febraayo ee sanadkaan ayaa waxaa uu waday dagaal ka dhan ah Musuq Maasuqa.

Madaxweynaha Jarmalka ayaa ugu danbeyn sheegay in dhalinyarada koonfur Afrika ay doonayaan in shaqo loo abuuro Jarmalkana uu ka shaqeyn doono sidii loo caawin lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here