Dagaal yahanada xuutiyiinta oo sheegay in ay diyaar u yihiin xabad joojin ka dhacda Yemen

0
705

Dagaal yahanada xuutiyiinta oo sheegay in ay diyaar u yihiin xabad joojin ka dhacda Yemen

Dagaal yahanada xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay xabada joojiyaan hadii laga helo isbaheysiga sacuudiga iyo imaaraadka oo taageeraya Milatariga Yemen.

Madaxa sare ee kooxda kacaanka xuutiyiinta,”Maxamed Cali Al xuuti ayaa sheegay in ay rajeynayaan in la hakiyaan howlgalada Milatari hadii la nabad galiyo shacabka Yemen.

Hadalkaan ayuu ku xaqiijiyay barta uu ku leeyahay Twitter-ka kadib war saxaafadeed uu ka soo saaray xaaladihii ugu danbeeyay ee dagaalka.

Al xuuti ayaa dhanka kale ugu baaqay dagaal yahanada kooxdiisa in ay ka hortagaan weerarada isbaheysiga sacuudiga iyo milatariga yemen ay ka geysanayaan dalkaas.

Ugu danbeyn waxaa uu ku baaqay in sacuudiga uu joojiyo weerarada dhan cirka ee uu ka geysanayo dalka yemen.

Si kastaba ha ahaatee dowlada Uk ayaa maanta la filayaa in golaha amaanka ay u gudbiso qabyo qoraal lagu dalbanayo in wax looga qabto colaada ka taagan Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here