DAAWO : Madaxweyne Biixi Oo Amaro Adag Dul Dhigay Masuulyiinta Dekada Berbera Iyo Shirkada Dp World

0
1126

DAAWO : Madaxweyne Biixi Oo Amaro Adag Dul Dhigay Masuulyiinta Dekada Berbera Iyo Shirkada Dp World

Berbera  (Dalmar-News):- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo maalintii labaad ku sugan magaalada Berbera ayaa saaka Booqdey  bilowga dekedda cusub ee shirkadda DP World dhisayso oo cabbirkeedu dhan yahay 400 mitir, isaga oo awaamiir faray maamulka dekedda Berbera amray in hannaan caddaalad ah loo maro wax kasta oo lagama maarmaan u ah taabbo-gelinta dhismahaas, islamarkaana ay bulshada reer Somaliland mar walba mudnaanta koowaad leedahay

“ Qoladiinna dekedda maamusha waxa la idinka rabaa halkaas wixii shaqo iyo qandaraas ka baxayaa inay caddaalad ku baxaan oo aanay cabasho kasoo noqonin, qoladanna (DP World ) waa in sidaa lagu kaantaroolaa oo ay sharciga lagu heshiiyo ku socdaan, ta labaadna wax Somaliland karayso oo qalab ama aqoon ah waa inaan cid kale keenin, waqtigana waa inaad ilaalisaan..”  Ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://www.youtube.com/watch?v=ceONSWcU53A

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here