Boqorka Sacudiga oo qudbadiisa Sanadlaha ah ku soo hadal qaadin dilkii Khashoggi

0
754

Boqorka Sacudiga oo qudbadiisa Sanadlaha ah ku soo hadal qaadin dilkii Khashoggi

Boqorka Sucuudiga oo khudbaddiisa sanadlaha ah ka jeedinayay baarlamaanka ayaa sheegay inaysan jirin dambi dalkaasi laga gaystay oo aanan dadkii fuliyay la ciqaabi doonin.

Wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in laanta caddaallada dalkiisa ay xaqiijin doonto caddaallada.

Balse boqorka Sucuudiga ma uusan soo hadal qaadin dilka weriye Jamaal Kaashuqji inkastoo ay jiraan cadaadis caalami ah oo saaran Sucuudiga.

Shalay ayay hayd markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in warbixinta ay soo saartay laanta sirddoonka Mareykanka ay ahayd mid aanan dhameystirnayn isla markaasna ah horudhac.

CIA-da ayaa sheegtay inay rumaysantahay in amarka lagu dilay Kaashuqji uu kasoo baxay dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan.

Boqorka Sucuudiga ayaa ku baaqay in la xalliyo dagaallada ka taagan dalka Yemen inkastoo dalkiisa uu garwadeen ka yahay duqeynta ka dhanka ah kooxaha maleeshiyaadka ee kasoo horjeedo dowladda Yemen.

Khudbadan ayaa ku soo beegantay waxyar kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibbada Jarmalka Heiko Maas uu ku dhowaaqay in laga mamnuucay in dalka Jarmalka ay soo galaan kooxdii ka koobneyd 18ka kuwaasoo lala xiriirinayo dilka Jama Khashoggi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here