Sirdoonka Mareykanka oo shaaciyay in dhaxal sugaha sacuudiga uu Amray dilkii Jamal Khashoggi

0
578

Sirdoonka Mareykanka oo shaaciyay in dhaxal sugaha sacuudiga uu Amray dilkii Jamal Khashoggi

Laanta sirdoonka dalka Mareykanka ee loo yaqaan CIA-da ayaa shaaca ka qaaday in dhaxal sugaha sacuudiga Mohammed bin Salman uu amray shirqoolkii lagu dilay wariye Jamal Khashoggi,sida ay tabisay warbaahinta Sacuudiga.

Sida laga soo xigtay Jariirada Washington Post oo aheyd warbaahintii ugu horeysay ee tabisa arinkaan,ayaa saraakiil ka tirsan xukuumada Mareykanka waxay walaac xoogan uga muujiyeen xogta sirdoonka ee ee ku aadan dilka wariyihii sacuudiga.

Arintaa ayaa waxay u arkeen saraakiisha Mareykanka in ay tahay wax aan u wanaagsaneyn Maamulka Trump oo saaxiib dhow u ah xukuumada boqor Salmaan.

Washington Post iyo wakaalada warar ka ee AP ayaa oo soo xiganaya ilaha ka tirsan sirdoonka ayaa shaacin magacyadooda.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence,oo booqanaya Papua New Guinea, oo wariye yaasha wax ka weydiiyeen Arintaan ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo.

Waxaa uu sheegay in dilka Jamal uu ka hor imaanayo xoriyada hadalka,mareykankana uu la xisaabtami doono kuwii ka danbeeyay dilka saxafi Jamal Khashoggi.

Wariye Jamal Khashoggi ayaa 2-dii bishii hore lagu dilay dhex qunsuliyada safaarada sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo uu ka doontay warqad cadeyneysa in ay kala tageen xaaskiisii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here