Masaajidyo kuyaala Sacuudiga iyo Turkiga oo Janaaso Salaatul qaai’ib looga dukaday Jamal Khashogi+SAWIRO

0
894

Masaajidyo kuyaala Sacuudiga iyo Turkiga oo Janaaso Salaatul qaai’ib looga dukaday Jamal Khashogi+SAWIRO

Masaajidyo waa weyn oo kuyaala Wadamada Sacuudiga iyo Turkiga ayaa maanta oo jimco ah salaada janaasada looga tukaday Marxuun Jamal Khashoggi oo lagu dhax dilay Qunsuliyada Sacuudiga ku leeyahay Istanbuul.

Culimo iyo Dadweyne aad u badan ayaa ka qeyb galay salaadda janaasada qaai’ibka ee Marxuun Jamal Khashoggi, waxaana marxuunka looga duceeyay masaajidyo badan oo Sacuudiga iyo Istanbuul kuyaala .

Saalax Jamal Khashoggi ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu duceenayay aabihiis oo lagu qabtay magaalada Jiddah, waxaa munaasabada tacsisa kasoo qeyb galay dad badan oo ka murugsanaa dilka Wariyaha

Dowlada Sacuudiga ayaa qiratay in saraakiil katirsan dowlada ka dambeeyeen dilka Wariye Jamal Khashoggi oon wali laheyn meydkiisa, waxa uuna dacwada oogaha Sacuudiga ogaadeen cidii amarka dilka Wariyaha bixisay.

Qoyska Wariyaha la dilay ayaa ka quustay in ay helaan xubno jirkiisa kamid ah si ay u aastaan, waxaana horey baarayaasha Turkiga u sheegeen in jirka wariyaha la dilay oo la jarjaray lagu baabi’iyay kiimiko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here