Dalka Gabon oo isbadal ku sameeyay dastuurka madaxweynaha oo xannuunsan awgeed

0
647

Dalka Gabon oo isbadal ku sameeyay dastuurka madaxweynaha oo xannuunsan awgeed

Maxkamadda dastuurka ee dalka Gabon ayaa farogalin samaysay si ay uga hortagto in uu dhaco qas siyaasadeed oo ka dhasha xannuunka madaxweyne Cali Bongo.

Dawladdu wax shir ah ma aysan yeelanin tan iyo markii dawayn loogu qaaday Sacuudi Carabiya bishii hore.

Maxkamadda ayaa isbadal ku samaysay Dastuurka si madaxweyne ku xigeenka ama ra’iisulwasaarahu uu u sii daadihiyo shirarka goloaha wasiirrada, tallaabadaas ayayse mucaaradku ku tilmaameen mid sharci darro ah.

Dadka ayaa isla dhexmaraya in madaxweynuhu uu xannuunsaday oo qalal ku dhacay, qaarkoodna waxayba su’aal galinayaan in uu wali nool yahay.

Xafiiska madaxweyne Bongo ayaa ugu dambayn Axaddii qirtay in madaxwynuhu uu ka soo kabanayo qalliin lagu sameeyay.

Sannadkii 2009 ayuu madaxweyne Bongo xilka ka badalay aabihii Cumar Bongo oo talada hayay in kabadan afartan sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here