Itoobiya oo xabsiga dhigtay 63 sargaal oo lagu eedeyay Musuq maasuq iyo Tacadi Bani aadanimo

0
595

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Xabsiga Dhigay Tiro Saraakiil Ciidaan Ah

Addis Ababa (Dalmar-News):- Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in xabsiga loo taxaabay tiro kamid ah saraakiisha ammaanka dalkaasi kaddib lagu eedeeyay musuq maasuq iyo inay ku xadgudbeen xuquuqda aadanaha.

Ciidaammada la xidhay waxay ka badan yihiin 60 sarkaal.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Berhanu Tsegaye ayaa shir ja’raaid ka sheegay inay tacaddiyada ay gaysteen saraakiisha la xiray ay kamid yihiin kufsi iyo inay jirddileen dad dambiyo lagu soo eedeeyay oo gacantooda ku jiray.

Waxaa la sheegay in saraakiisha ay dadka ku ciqaabayeen xabsi ku yaalla god hoostiisa oo sharci darro ah.

Xiritaanka saraakiishan ayaa imaanaya xilli baaritaanno ay ku socdaan saraakiil ka howlagaleysay shirkadda Metec, qaar kamid ah shaqaalaha shirkadda ay maamulaan militariga ee Metec ayaa kamid ah dadka la xiray.

Bishii Agosto ayay ahayd markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu ku baaqay in meesha laga saaro qanddaraas la siiyay mid kamid shirkadaha dalkaasi oo dib uu dib dhac ku yimid fullinta mashruuca dhisitaanka biyo xireen halkaasi ku yaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here