Cabdi Maxamuud Cumar oo mar kale la soo taagayo Maxkamad ku taal Addis Ababa

0
592

Cabdi Maxamuud Cumar oo mar kale la soo taagayo Maxkamad ku taal Addis Ababa

Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta oo jimco ah la filayaa in markii shanaad la soo taago Maxkamad ku taal magaalada Addis Ababa.

Maxkamadeyntan ayaa la sheegay in la soo dedejiyay, iyadoo dhowaan Maxkamadda amar ku bixisay in Xabsiga lagu sii haayo.

Dhageysiga Maxkamadeynta maanta ayaa waxaa ku lug yeelan doona Xeer Ilaalinta iyo xubno ka socda Wasaaradda Cadaaladda, taasoo ah markii u horeysay.

Afartii jeer ee horay loo horgeeyay maxkamadda ayaa waxaa ka soo muuqanayay kaliya dadka difaacayay, eheladiisa, xeer ilaalinta iyo Garsoorka Maxkamadda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maanta markii u horeysay Maxkamadda la horkeeni doono Marqaatiyaal.

Madaxweynihii hore ee DDSI ayaa loo heystaa dambiyo ka dhan ah Bani’aadanimada, waxaana xabsiga loo taxaabay dhamaadkii bishii Agosto ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here