Weerarkii Masiixiyiinta Qibdhiyiinta: Booliska Masar oo ‘dilay 19-kii weeraryahan’

0
599

Weerarkii Masiixiyiinta Qibdhiyiinta: Booliska Masar oo ‘dilay 19-kii weeraryahan’

Sagaal iyo toban maleeshiyaad Islaamiyiin ah oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerrarkii ay dadka badan ku dhinteen ee lagu qaaday Masiixiyiinta u dhalatay dalka Masar ayaa waxaa dilay booliska, sida ay sheegayso wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi.

Waxa ay ku dhinteen rasaas ay iswaydaarsadeen booliska kuwaas oo ku daba jiray “canaasiirta argagixisada ah ee baxsadka aheyd” ee ku dhuumaalaysanaysay dhulka lama degaanka ah ee galbeedka gobolka Minya, ayaa lagu sheegay bayaanka.

Todoba qof oo Masiixiyiinta Qibdhiyiinta ah ayaa lagu dilay weerrar lagu qaaday laba bas oo ay saarnaayeen oo Jimcihii marayay gobolka Minya.

Ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah ayaa sheegtay inuu ka dambeeyay weerrarkaasi.

Waxa uu ahaa midkii ugu dambeeyay weerraro taxana ah oo ay kooxaha xagjirka ah ku ekaynayeen Masiixiyiinta Qibdhiyiinta Masar ee laga tirada badan yahay.

Todoba qof ayaa lagu dilay weerrarkii lagu qaaday Masiixiyiinta Qibdhiyiinta ee Minya

Wasaaradda ayaa waxa ay sheegtay in ciidammada ammaanku ay rasaas iswaydaarsadeen “canaasiir argagixiso ah” oo ay daba socdeen, walow aanay wasaaraddu sheegin goorta uu dagaalku dhacay.

Wasaaradda ayaa waxa ay daabacday maydadka iyo teendho ay sheegtay in maleeshiyaadku ay isku qarinayeen. Qoryo, kuwo darandoorri u dhaca iyo dacaayado ay leeyihiin ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah ayaa laga arki karaa meel aanan ka fogeyn maydadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here