Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

0
935

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay shil maanta barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Hotelka Madiina ee degmada Xamar Jajab.

Shilkan ayaa yimid kaddib markii gaari xamuul ah oo nooca ciidamada Saadka iyo sahayda u qaada ayaa ku dhacay mooto bajaaj.

Labada ruux ee shilka ku geeriyootay ayaa kala ahaa darawalka mooto bajaaj iyo qof saarnaa, halka haweeney kale oo wadada mareysay ay dhaawacantay.

Ka sokow shilka maanta waxaa jiray shil naxdin leh oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Waaberi, kaasoo labo qof oo mooto wadatay ay shil galeen, kuna geeriyoodeen.

Shilalka ka dhasha dhimashada iyo dhaawaca ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana keena ciriiriga waddooyinka, iyo xowliga loo wado baabuurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here