Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Inay Dalka Keenayso Shidaal, Markay La Wareegto Maamulka Haamaha Kaydka Ee Berbera

0
672

Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Inay Dalka Keenayso Shidaal, Markay La Wareegto Maamulka Haamaha Kaydka Ee Berbera

Guddi Wasiirro iyo Masuuliyiin kale ah oo Madaxweynaha Somaliland u xil-saaray inay Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera ka wareejiyaan Shirkadihii Maamuli jiray, ayaa sheegay inay hawshu meel wanaagsan u marayso isla-markaana sida ugu dhakhsaha badan looga wareejin doono.

Warka ShidaalkaWasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda iyo Ganacsiga oo Guddigaa ka mid ah oo Shalay Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay Shirkadaha Maamula haamaha Kaydka Shidaalka Berbera la yeesheen shir ku saabsan sidii ay u wareejin lahaayeen Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka isla-markaana isku afgarteen.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga oo ugu horreyn Saxaafadda la hadlay ayaa yidhi “Hawshaa Guddigu way dhex gashay, Baayac-mushtarigii hore loogu wareejiyeyna waa loo yeedhay oo hawshaa aad ayaanu uga wada-hadalnay, si fiican oo Sharaf leh ayaanu u wada-hadalnay, waanuna is afgaranay, si deg-deg ahna waa loola wareegi doonaa Haamaha Kaydka Shidaalka.”

Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa isaguna sheegay “Waxaanu halkan ka caddaynaynaa in weli Maamulkii Haamaha Kaydka Shidaalka ay Gacanta ku hayaan Shirkadda hore gacanta ugu haysay ee loo yaqaanno BOG, kuwaas oo ka kooban 11 Shirkadood, tiro Saamiley ah oo konton kor u dhaafayna ay waddaagaan…” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Dawladdu marka ay Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka la wareegto ay keeni doonto Shidaal “Dawladdu waxay joogtaa oo la gaadhay xilligii iibsan lahayd shidaal isla-markaana Haamaha Kaydka Shidaalka ku shuban lahayd, bixisana adeeg hufan oo nadiif ah, kaasi oo Bulshada kala duwan ee Somaliland u noqda tudhaale..”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here