Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo la kulmay Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka

0
656

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo la kulmay Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa la kulmay Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka Mike Pence, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal, waxaana Itoobiya ka mid tahay saaxibada ugu weyn ee Mareykanka ku leeyahay Afrika.

Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya is bedeladii dhanka dimoqraadiyada iyo dib u heshiisiinta uu sameeyay tan iyo markii uu xilka la wareegay.

Waxaa uu balan-qaaday in Mareykanka uu taageerayo horumarka ka jira Itoobiya iyo sidii loo sii wadi lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa booqasho ku jooga dalka Mareykanka, halkaasoo uu kulamo kula qaadanayo madaxda dalkaas iyo kuwa deeq bixiyeyaasha, sidoo kale waxaa uu la kulmi doonaa Jaaliyadda Itoobiya ee ku dhaqan Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here