Wafdiga Jubbaland oo diiday inay ka qeyb galaan furitaanka Shirka Brussels

0
635

Wafdiga Jubbaland oo diiday inay ka qeyb galaan furitaanka Shirka Brussels

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in wafdiga Jubbaland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Madoobe ay diideen inay ka qeyb galaan Shirka Brussels oo goor dhow furmo.

Sida ay sheegayaan wararka wafdiga Jubbaland ayaa go’aasaday in aysan ka qeyb gelin, iyagoo ku andacoonaya in wax ka bedel lagu sameeyay ajandaha shirka iyo in la jebiyay hab maamuuskii furitaanka shirka.

Tallaabadan ayaa dhacday daqiiqadihii u dambeeyay ee diyaar garowga shirka Brussels, waxaana madasha uu shirka ka socdo soo gelin Wafdigii uu hoggaaminayay Axmed Madoobe.

Madaxda kale ee maamul goboleedyada iyo wafuuda wehlisa sida Galmudug, Puntland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa hoolka ku jira oo shirka ka qeyb galaya.

Arrintan ayaa imaaneysa, iyadoo uu cirka isku shareeray khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, kaasoo keenay in jimcihii ay Jubbaland garoonka Kismaayo ka celiso Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka oo dowladdu soo magacawday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here