8 Xildhibaan Oo Ka Tirsan Baarlamaanka Ingiriiska Oo Dawladdooda Ka Dalbaday Inay Aqoonsato Somaliland + Magacyadooda

0
732

8 Xildhibaan Oo Ka Tirsan Baarlamaanka Ingiriiska Oo Dawladdooda Ka Dalbaday Inay Aqoonsato Somaliland + Magacyadooda

 

Sideed mudane oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa dawladda Ingiriiska u diray qoraal ay ku waydiisanayaan in xukumaddoodu bilawdo Qorshe Somaliland loogu darayo dalalka ku bahoobay Barwaaqo Sooranka ee ah Ingiriiska iyo waddamada uu gumaysan jiray. Sidoo kalena ay Britain hormuud u noqoto qorshaha Somaliland kaga mid noqonayso bulshada caalamka.

Qoraalkan mudaneyaashu soo saareen xuska 58-aad ee 26 June oo ah markii Somaliland xorriyaddeeda ka heshay boqortooyadii Ingiriiska waxay si mug leh dawladdooda u waydiisteen in ay u badheedho jidkii ay ku aqoonsan lahayd Somaliland uguna dari lahayd Barwaaqo Sooranka maaddaama ay jagada guddoomiyaha xilligan hayso dawladda Ingiriisku.

Xildhibaannadan taageersan Somaliland oo ka soo kala jeeda xisbiyada Ingiriisku waxay ku dheeraadeen xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska. Waxay sheegeen in labada dal wadaagaan dhaqan siyaasadeed, isku xidhnaan dhaqaale, luuqadda, islamarkaana muwaadiniin badan oo reer Somaliland ahi ay yihiin kuwo haysta dhalashada Ingiriiska kuwaas oo door ku leh Somaliland dabadana ka riixa shuruuc Somaliland xuquuqal iisaankeeda muhiim u ah.

Waxa ay sheegeen in Somaliland oo ku taalla gobol carqalad badan dhanka Koonfureedna kala daris ah Soomaaliya oo kooxo argagixiso ahi joogaan ay tahay meel ammaan ah oo nabadda caalamka iyo tan gobolkaba ka qayb qaadata, islamarkaana ay Ingiriiska iska kaashadaan la dagaalanka argagixisada. Waxay Somaliland ku sheegeen meel dhaqaalaheedu kobcayo oo soo koraysa muhiimna u ah Ingiriiska.

Halkan ka akhriso Warbixinta Xildhibaannada & Magacyadooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here