Home WARAR Trump oo Iiraan 48 saacadood u qabtay inay heshiis kula gaadho, Iiraan...

Trump oo Iiraan 48 saacadood u qabtay inay heshiis kula gaadho, Iiraan oo diidday wax wada hadal ah

0
29

Trump oo Iiraan 48 saacadood u qabtay inay heshiis kula gaadho, Iiraan oo diidday wax wada hadal ah

Dowladda Iiraan ayaa si cad u diidday digniin 48 saacadood ah oo uu bixiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, taas oo ku saabsan in Iiraan ay heshiis nabadeed la gaadho Maraykanka haddii ay diidana la burburin doono. Iiraan ayaa dhankeeda hanjabaada Trump ku tilmaantay mid muujinaya tabar-darro iyo walbahaar.

Wararka ka imanaya caasimadda Tehran ayaa sheegaya in duqeymo ay si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil ay sababeen khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen, halka 170 kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday aagga warshadaha batroolka ee Mahshahr.

Weerarradan ayaa sidoo kale lagu beegsaday in ka badan 30 jaamacadood tan iyo markii dagaalku billowday dabayaaqadii bishii Febraayo, iyadoo sawirro muujinaya burbur xooggan laga soo tabiyay xarumo waxbarasho oo ay ku jirto Jaamacadda Shahid Beheshti ee Tehran.

Dhanka kale, dowladda Kuweyt ayaa xaqiijisay in weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn (drone) uu sababay dab ka kacay xarun shidaal, balse aanay jirin wax khasaare naf ah oo ka dhashay.

Sidoo kale, Israa’iil ayaa duqeymo ka fulisay koonfurta Lebanon, gaar ahaan magaalada Maarakeh, halkaas oo lagu dilay shan qof. Iska horimaadyo u dhexeeya ciidamada Israa’iil iyo ururka Hezbollah ayaa sii socda, iyadoo askari kale oo Israa’iili ah la xaqiijiyay inuu ku dhintay dagaalka.

Gudaha Israa’iil, boqolaal qof oo ka soo horjeeda dagaalka ayaa dibadbaxyo ka dhigay magaalooyinka Tel Aviv, Jerusalem iyo Haifa, iyagoo ku baaqaya in la joojiyo colaadda sii xoogeysanaysa.

Xiisadda Bariga Dhexe ayaa weli kacsan, iyadoo ay socdaan dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in lagu yareeyo dagaalka iyo saameynta uu ku leeyahay gobolka.