Sunday, November 8, 2026
Home WARAR Suuriya oo Soomaaliya dib ugu soo celinaysa Xaasaska & Carruurta xubno katirsan...

Suuriya oo Soomaaliya dib ugu soo celinaysa Xaasaska & Carruurta xubno katirsan Daacish

0
31

Suuriya oo Soomaaliya dib ugu soo celinaysa Xaasaska & Carruurta xubno katirsan Daacish

Dowladda Suuriya ayaa qaadaysa tallaab ay ku masaafurinayso Ajaanib isugu jirta Soomaali iyo Suudaanees kuwaas oo lala xiriiriyay in ay ehelkooda oo katirsan Daacish ay la joogeen Dalkas sida ay ku warrameen kooxo katirsan kuwa u dooda Xuquuqda Aadanaha.

Xera Roj ee dhacda Waqooyi bari Suuriya waxa ay noqotay meel si gaar ah loogu hayo Xaasaska iyo Carruurta xubnihii Daacish ee looga awood badiyay Suuriya gaar ahaan Dalkaas kuwaas oo hadda la qorsheynayo in dib loogu celiyo Dalalkooda.

Xukuumadda Dimishiq ayaa la sheegay in ay qaadday tallaab la xiriirta la hadalka Safaaradaha Soomaaliya & Suudaan oo ugu dambayn aqbalay qorshaha mafaasurinta inkasta oo aan la shaacin tirada Dadka la qaadayo iyo waqtiga howshaas la billaabayo.

Suuriya ayaa muddo ku dhow labo sano waxa ay xiriir la samaynaysay qaar kamid ah Dalalka ay sharciga asalka ah iyo dhalashada labaad ka haystaan xubnihii ka dhinac dagaalamay Daacish & ehelkooda si loogu wareejiyo dadkaas.

Ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlay qorshahaan maadaama ay su’aalo badam saaran yihiin sida goobta la geynayo, qorshaha dowladda ee dadkaas iyo sida ay u qaadan karto mas’uuliyaddooda.

Kooxaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa dhankooda soo jeediyay in dib loo dhigo qorshaha masaafurinta Dadka u dhashay Suudaan iyada oo dooddooda ku xoojiyay inay rabshado ka jiraan Dalkaas oo suuragal ay tahay in ay dadkaan ay saameeyaan xaaladahaan.