Iiraan oo beenisay in Maraykanka uu dalkeeda kala baxay Duulliye la socday diyaarad ay soo ridday
War kasoo baxay Dowladda Iiraan ayaa looga falceliyay sheegashada Maraykanka ee ah in ay soo furteen duulliye ku xayirnaa dalkeeda oo diyaaraddii uu ku howlgallayay ay kol hore soo rideen ciidamada ilaalada kacaanka dalkaasi.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa aad loo hadal hayay warka kasoo yeeray Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo ahaa in ay soo wadeen duulliyaha kaddib howlgal dhiig ku daatay oo ka dhacay ciidda Iiraan.
Washington ayaa dib ka sheegtay in xitaa howlgalkaas inta uu socday ay iska gudbtay labo kamid ah Diyaaradaheeda oo ku dhawaaday in ay gacanta u galaan Iiraan balse ay ka doorbideen in ay hub culus ku dhuftaan halkaasina ay ku burburiyeen.
War lagu daabacay Wakaaladda Wararka Iiraan u faafisa ayaa lagu sheegay in diyaaradaha uu Maraykanka sheegay in uu gubay in ay dhankooda burburiyeen kaddib markii weerar culus ku bartilmaameedsadeen, halka ay beenisay Tehran in laga watay Duulliyihii dalkeeda ku xayirnaa.
Iiraan ayaa xujo uga dhigtay Maamulka Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump in haddii uu xaqiiqo yahay warka la xiriira soo badbaadinta Duulliyaha inay soo bandhigto, waxaana la sugayaa jawaabta ay ka bixiso arrintaas Xukuumadda Washington.
























