Home WARAR Dowladda Soomaaliya oo amartay in wax hub ah lagu arki karin gudaha...

Dowladda Soomaaliya oo amartay in wax hub ah lagu arki karin gudaha magaalada Baydhabo

0
32

Dowladda Soomaaliya oo amartay in wax hub ah lagu arki karin gudaha magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta soo saaray amar ku saabsan in aan gudaha magaalada Baydhabo lagu dhex arki karin wax hub ah, marka laga reebo ciidanka loo igmaday sugidda amniga magaalada iyo madaxda halkaas ku sugan.

Go’aankan ayaa yimid ka dib markii Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/guuto Asad Cusmaan Cabdulaahi, uu maanta kulan muhiim ah la qaatay dhammaan saraakiisha ciidanka Booliiska ee ku sugan caasimadda kumeel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfurgalbeed ee Baydhabo.

Taliyaha ayaa saraakiisha kala hadlay xaaladda guud ee nabadgelyada, isagoo si gaar ah diiradda u saaray amniga magaalada ka dib isbedelladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaannada Koonfurgalbeed.

Taliye Asad ayaa faray saraakiisha in kor loo qaado feejignaan dheeri ah, isla markaana la xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa dhammaan laamaha kala duwan ee amniga.

Amarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ay safar shaqo u joogaan magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ka socdaan kulamo ku saabsan xaaladda dalka iyo tan deegaanka.

Taliska Booliisku wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasiloonida caasimadda kumeel-gaarka ah ee Koonfurgalbeed.