Sunday, November 8, 2026
Home WARAR Milatariga Sudan oo xidhay wasiir hore oo ay maxkamadda ICC doon doonaysay

Milatariga Sudan oo xidhay wasiir hore oo ay maxkamadda ICC doon doonaysay

0
26

Milatariga Sudan oo xidhay wasiir hore oo ay maxkamadda ICC doon doonaysay

Milatariga Suudaan ayaa sheegay inay xireen wasiirkii hore ee dowladda, Ahmad Haroun, oo lagu eedeeyay inuu galay dambiyo dagaal.

Haroun waxaa baadi-goobaya Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), taas oo ku eedeysay inuu ku lug lahaa tacaddiyo ka dhacay gobolka Daarfuur horraantii sannadihii 2000-meeyadii.

Haroun, oo ka tirsanaa hoggaanka sare ee xisbigii talada hayay ee National Congress Party, ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu shaqaaleysiin jiray, maalgelin jiray, isla markaana hubeyn jiray maleeshiyaad Islaamiyiin ah.

Markii ugu horreysay waxaa la xiray sannadkii 2019-kii, balse wuxuu xabsiga ka baxsaday sannadkii 2023-kii, kadib markii uu qarxay dagaalka sokeeye ee Suudaan.