Ciidamada Mareykanka oo isaga baxay saldhigga Baledoogle kaddib 14 sano
Ciidamada Militeriga Mareykanka ayaa isaga baxay saldhigga diyaaradaha ee Baledoogle, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib muddo ka badan 14 sano oo ay saldhiggaas u adeegsanayeen howlgallada ka dhanka ah AS.
Ciidamada ayaa laga raray saldhigga dhammaadkii bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, waxaana la geeyay goobo kale oo ka tirsan Soomaaliya, sida ay saraakiil Mareykan ah u xaqiijiyeen wargeyska Task & Purpose oo wax ka qora arrimaha militeriga.
Sida ay saraakiishu sheegeen, saldhigga waxaa ku haray tiro kooban oo ciidamo Mareykan ah, kuwaas oo qaabilsanaa bixinta tababarrada, balse bixitaankooda ayaa sidoo kale la dhammaystiray dhammaadkii bishii hore.
Tallaabadan ayaa ku soo aadeysa xilli Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kordhiyeen dhaqdhaqaaqyadooda militeri ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo doonaya inay la wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.
Si kastaba ha ahaatee, bixitaanka ciidamada Mareykanka ee saldhigga Baledoogle macnaheedu ma aha inay Soomaaliya ka baxeen, maadaama ay weli ku sugan yihiin goobo kale oo dalka ka tirsan.























