Wednesday, July 15, 2026
Home WARAR Ruushka oo qiray inay Iiraan haysato Gantaallo aanay haysan Maraykanka & Israa’iil

Ruushka oo qiray inay Iiraan haysato Gantaallo aanay haysan Maraykanka & Israa’iil

0
109

Ruushka oo qiray inay Iiraan haysato Gantaallo aanay haysan Maraykanka & Israa’iil

Dowladda Ruushka ayaa si cad u sheegtay in Iiraan ay haysato Gantaallo casri ah oo aanay haysan Maraykanka iyo Israa’iil kuwaas oo nidaam ahaan aad u wanaagsan marka la eego adeegsigiisa sida uu shaaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Dalkaas, Andrey Belousov

Waxa uu Maraykanka iyo Xulufadiisa usoo jeediyay in ay is dhiibaan haddii kale dhibaatadu kusii badan doonto xaaladdana kusii adkaan doonto waa haddii aysan dejin xeelad cusub oo ay ku muujinayaan dib uga bixista dagaalka socda maalintii 24aad.

“Waa xaqiiq, Iiraan waxa ay haysataa Nidaam Gantaallo weerar oo casri ah oo aan xitaa haysan Maraykanka, waa kuwo la horumariyay oo waxqabadkooda lagu arkay saaxada dagaalka muddada uu socdo”  ayuu yiri Wasiirka Difaaca Ruushka, Andrey Belousov

Ruushka ayaa dhowaan dhegaha ka xirtay baaq furan oo uga yimid Maraykanka kaddib markii Maamulka Donald Trump uu ka codsaday soo faragelinta xaaladda ka taagan Bariga Dhexe si ugu yaraan wadaxaajood albaabada u fura wadahadal Mustaqbalka furma.