Wednesday, July 15, 2026
Home WARAR Iiraan oo beenisay in ay wada hadallo la yeelatay Mareykanka

Iiraan oo beenisay in ay wada hadallo la yeelatay Mareykanka

0
114

Iiraan oo beenisay in ay wada hadallo la yeelatay Mareykanka

Dowladda Iiraan ayaa beenisay inay Mareykanka kala hadashay sidii loo joojin lahaa dagaalka Bariga Dhexe oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay.

Wakaaladda wararka ee Mehr ee ku taal Tehran, oo soo xiganaysa ilo wareedyo rasmi ah, ayaa sheegtay inaysan jirin wax wadahadal ah oo u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka.

Ilo wareedkan ayaa ku tilmaamay sheegashada Trump mid salka ku haysa dadaal uu ku doonayo inuu hoos ugu dhigo qiimaha tamarta iyo inuu waqti ugu iibsado fulinta qorshayaal ciidan.

Dhanka kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa bartiisa bulshada ee Truth Social ku baahiyay inuu amar ku bixiyay in muddo shan maalmood ah dib loo dhigo dhammaan weerarada lala beegsanayo xarumaha korontada iyo kaabayaasha tamarta ee Iiraan.

Trump ayaa sheegay in go’aankan uu qaatay ka dib markii uu tilmaamay inay dhaceen wadahadallo aad u wanaagsan oo wax ku ool ah oo ku saabsan xallinta colaadda Bariga Dhexe.

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo kaashanaya Israa’iil ayaa sababay dhimashada in ka badan 1,340 qof, oo uu ka mid ahaa Hoggaamiyihii Sare ee Iiraan, Cali Khamenei.