Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari, waxaa sare loo qaaday ammaanka Magaaladaas iyada oo ay socoto qaban-qaabada soo dhaweyntiisa.
Ciidanka ilaalada u ah Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa shalay tagay Magaalada Laascaanood, waxaana ay la wareegeen mas’uuliyadda Amniga goobaha uu degayo Ra’iisul Wasaaraha.
Hay’adaha ammaanka Maamulka Waqooyi Bari ayaa soosaaray awaamiir lagu xoojinayo amniga iyada oo la joojiyay isu socodka Gaadiidka meelaha qaar ee Magaalada Laascaanood kuwaas oo saamaynaya isu socodka wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.
Xamsa ayaa safarkaan waxa uu uga dhigan yahay in markii saddexaad uu tagayo Magaalada Laascaanood, waxaana uu kulamo la qaadan doonnaa mas’uuliyiin katirsan Maamulka Waqooyi Bari isaga oo xarrig jari doonno Talis ciidanka Xoogga Dalka halkaas ku yeellan doonno.
La soco wixii kasoo kordha
























