Home WARAR Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo...

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

0
20

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal saacado kahor uu shaaciyay in uu ku qaadayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan iyada oo Tehran qudheeda ay hanjabaad culus soo dirtay.

Donald Trump ayaa markii dambe dib uga laabtay go’aankaas kaddib markii uu la hadlay Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan oo walaac ka muujiyay jawaabta ka imaan karta Iiraan sida hadalka loo dhigay.

Xiriirka Teleefan ee dhexmaray Maxamed Salmaan iyo Donald Trump ayaa la sheegay in uu sabab u noqday in uu isbaddello mowqifkii Madaxweynaha Maraykanka ee Israa’iil gadaal ka riixaysay oo ahaa in dib loo billaabo dagaallada ka socda Bariga Dhexe.

Inkasta oo Donald Trump oo ku dhawaaqay Sabti iyo Axad iyo dagaallada ay dhacayaan kaddibna wax weliba ay dib ugu soo noqon doonnaan colaadda kahor waxaa arrintaas ku yimid isbaddel degdeg ah oo meesha ka saaray walaaca laga muujinayay colaaddaas.