Qamarada Midoobay oo faahfaahisay heerka uu gaarsiisan yahay Barakaca
Qaramada Midoobay ayaa iyada oo dunida maanta laga maamuusayo maalinta Qaxootiga Adduunka ee 20ka June waxa ay soosaartay tirakoob muujinaya heerka Barakaca uu gaarsiisan yahay, waxaana ay fariin u dirtay Dadka sababta u ah barakacaas.
Ugu horrayn hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ee UNHCR ayaa sheegtay in 70kii qof ee dunida ku nool uu mid kamid ah uu barakacay, xisaabtaasina ay muujinayso heerka uu gaarsiisan yahay Barakaca sanadihii u dambeeyay.
“Ugu yaraan 117.8 Milyan oo qof ayaa barakacay, tani waxa ay ka dhigan tahay in 70kii qof ee dunida ku nool uu qof kamid ah si qasaba ah uga barakacay gurigiisa” Sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay Qaramada Midoobay
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa soo jeediyay in meel looga soo wada jeysto aafooyinka sababa barakaca isaga oo xoogga saaray colaadaha aan dhammaadka lahayn in xal degdeg ah loo raadiyo.
Meelo kala duwan ayaa si qasab ah dadkii degenaa looga barakiciyay sababo la xiriira colaadda halkaas ka jirta oo saamayn taban ku reebtay, waxaa dhinacyada awoodda adeegsanaya loosoo jeediyay in ay joojiyaan colaadaha ay abuurayaan.























