Home WARAR Duqaymo ay Israa’iil ka gaysatay Lubnaan oo sababay dhimasho & dhaawac

Duqaymo ay Israa’iil ka gaysatay Lubnaan oo sababay dhimasho & dhaawac

0
49

Duqaymo ay Israa’iil ka gaysatay Lubnaan oo sababay dhimasho & dhaawac

Ciidanka Israa’iil ayaa duqaymo culus ka gaystay Koofurta Dalka Lubnaan, waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyay 5 qof oo rayid ah halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka Dalkaas.

Diyaaradaha Israa’iil ayaa beegsaday goobo kala duwan oo Dad rayid ah ku badan yihiin kuwaas oo dhaca Koofurta Dalka Lubnaan, Xukuumadda Tel Aviv ayaa doonaysa in ay dhul-ballaarsi ku samayso qaybo kamid ah Lubnaan.

Weerarrada Israa’iil ayaa lagu sheegay in ay jawaab u yihiin howlgal qorsheysan oo ururka Xisbullaahi ku beegsaday sarkaal muhiim u ah duullaanka Ciidanka Yuhuudda ee Koofurta Dalka Lubnaan kaasi oo sababay in uu gaabis ku yimaado howlgalka dhulka.