Home WARAR MW Iiraan: Cadawgu waxa uu doonayaa in uu dagaalka u weeciyo dhinaca...

MW Iiraan: Cadawgu waxa uu doonayaa in uu dagaalka u weeciyo dhinaca Dhaqaalaha

0
104

MW Iiraan: Cadawgu waxa uu doonayaa in uu dagaalka u weeciyo dhinaca Dhaqaalaha

Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian ayaa Maraykanka, Israa’iil iyo dhinacyada kale ee taageersan ku eedeeyay in dagaalka tooska ah oo ay ku fashilmeen balse hadda ay qorsheynayaan in ay u weeciyaan dhinaca dhaqaalaha.

Masoud ayaa carrabka ku adkeeyay in culays weliba oo Dalkiisa la saaray uu ka guulaystay dhinacyadaas isu isbahaystay sidii ay u burburin lahaayeen Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan balse Dadkeeda ay dhinac taagan yihiin.

Waxa uu xusay in aanay jirin guuldarro dhankooda ku qasbi karto in uu is dhiibo isla markaana ay dagaalamayaan iyada oo Tehran ay ku waysay hoggaamiyaal muhiim u ahaa oo haatan booskooda la buuxiyay sida uu hadalka u dhigay.

“Cadowgu wuxuu doonayaa in uu dagaalka u wareejiyo dhinaca dhaqaalaha kadib markii uu ku guuldareystay dagaalka, shacabka waxa uu kaalin muuqata ka qaatay fashilinta shirqoolkaas” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian.

Maamulka Donald Trump waxa uu dhowr jeer oo hore ku guuldaraystay in guullo kama dambays ah laga gaaro dagaalka bariga dhexe iyada oo Washington culays saarayso Tehran kuna qasbaysa in ay aqbasho qodobada Maraykanka uu wato.