Dowladda Federaalka Soomaaliya oo adkaysay Amniga Muqdisho
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay adkaynta amniga magaalada Muqdisho, waxa ay ciidamo dhigtay qaybo kala duwan oo Caasimadda ah kaddib markii xubno katirsan Mucaaradkeeda ay ku dhawaaqeen in ay qabanayaan bannaanbax.
Waddooyinka Muqdisho ma wada xirna oo qaybo kooban ayaa dhaqdhaqaaqa Dadka iyo Gaadiidka la xayiray halka meelaha ka fog goobaha loo badin karo in ay ka dhici karaan dibadbaxyadaas ama ay degen yihiin xubnaha mucaaradka ah si caadi ah u shaqaynayaan.
Waxaa lasoo dhaafay waqtigii xubnaha Mucaaradka ay ku ballameen in uu billaabanayo isusoo baxooda iyada oo ay weli ku adkaysanayaan in aanay baaqan oo bannaanbuxu qabsoomayo sida ay hadalka u dhigeen.
Muqdisho waxaa soo maray saacado ay martigelisay Gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada oo yaalla meelo badan oo Caasimadda ah, waxaana meelaha qaar dadka loo diiday in ay u dhawaadaan iyada oo aanay jirin sabab rasmi ah oo arrintaas ku saabsan.
Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa soosaaray digniin la xiriirta in la qabto dibadbaxyo rabshada wata ama la dhaawaco nabadgalyada Caasimadda, waxa uu booliisku sheegay in keliya lagu bannaanbixi karo goobta loo asteeyay mucaaradka.
La soco wixii kasoo kordha























