Zelensky oo dalbaday jawaab celin uu caalamku ka bixiyo Weerarkii Moscow ee Kyiv
Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa codsaday caalamku inuu ka jawaabo weerarka Ruushka ee uu mar kale ku ekeeyay Kyiv, kaasi oo kamid ahaa weeraradii ugu xoogganaa ee uu ka gaysto caasimada Ukraine.
Waxaa uu ku eedeeyay Moscow inay si kas ah u beegsanayso dadka rayidka. Dadaalka badbaadadinta ayaa sii socda ka dib weerarkii habeenimada ee saraakiisha Ukraine ay sheegeen inay ku dhinteen lix iyo tobanka qof ee lagu dilay caasimada Kyiv, iyada oo afar kamid ah ay ahaayeen carruur.
























