Wednesday, February 18, 2026
Home WARAR Yurub Oo Ciidamo Badan Ku Daabulaysa Greenland Iyo Tababaro Hawada Sare Ahna...

Yurub Oo Ciidamo Badan Ku Daabulaysa Greenland Iyo Tababaro Hawada Sare Ahna Sameeyey

0
54

Yurub Oo Ciidamo Badan Ku Daabulaysa Greenland Iyo Tababaro Hawada Sare Ahna Sameeyey

Wararka ayaa sheegaya in uu socdo socdaal joogt ah oo u dhexeeya Yurub iyo Greenland, iyadoo diyaaradaha xamuulka militari ee Denmark, Faransiiska iyo Jarmalku ay wadaan askar iyo qalab ciidan. Galabnimadii Jimcaha, tiro badan oo askar ah ayaa ka degay caasimadda Greenland ee Nuuk.

Sida ay baahisay Danmarks Radio (DR), askartaasi waxa ka mid ah ciidamo dagaal oo Denmark ah iyo cutubka gaarka ah ee loo yaqaan Jægerkorpset, kuwaas oo si gaar ah loogu tababaray ka hawlgalka xaaladaha adag ee Arctic-ga. Sawirro la baahiyay ayaa sidoo kale muujinaya in askar Jarmal ah ay ku sugan yihiin magaalada Nuuk.

Markii ay yimaadeen, askarta ayaa warbixin amni iyo mid hawlgal ku qaadatay xarunta taliska Arktik Command (Arktisk Kommando), oo ah hay’adda qaabilsan difaaca Greenland iyo Jasiiradaha Faroe, kana tirsan ciidamada Denmark.

Horraantii toddobaadkan, Wasaaradda Difaaca Denmark iyo xukuumadda Greenland ayaa shaaciyay in la kordhin doono joogitaanka militari ee Greenland, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn tirada guud ee askarta loo dirayo waqooyiga.

Tababar militari oo lala yeeshay Faransiiska

Ciidamada difaaca Denmark ayaa sidoo kale sheegay in laba diyaarad oo dagaal oo nooca F-35 ah iyo diyaarad ah kuwa shidaalka hawada sare ku siiya dayaaradaha dagaalka ee militariga oo Faransiisku leeyahay ah ay Jimcihii sameeyeen tababar wadajir ah oo ka dhacay koonfur-bari Greenland. Tababarka ayaa diiradda lagu saarayay hawlgallo wadajir ah, shidaal-siinta hawada sare, duullimaadyo masaafo dheer ah iyo xaqiijinta badbaadada hawlgallada xaaladaha qabow ee Arctic-ga.

Tababarka ayaa ka dhacay agagaarka Kulusuk, oo ku yaalla xeebta bari ee Greenland. Diyaaradda Faransiiska ayaa ka soo duushay saldhig ku yaalla koonfurta Faransiiska, waxayna dib ugu laabatay saldhiggeedii markii tababarku soo dhammaaday.