Home WARAR Xiriirka UEFA oo sheegay in ay si xushmad leh u soo dhaweynayaan...

Xiriirka UEFA oo sheegay in ay si xushmad leh u soo dhaweynayaan Garsoore Cartan

0
81

Xiriirka UEFA oo sheegay in ay si xushmad leh u soo dhaweynayaan Garsoore Cartan

Xiriirka Kubadda Cagta ee Yurub ayaa sheegay in ay xushmad iyo soo dhaweyn u sameyn doonaan Garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cabdiqaadir Cartan oo dhawaan laga soo celiyay dalka Mareykanka.

Madaxweynaha UEFA, Aleksander Čeferin ayaa sheegay in ay markasta Ixtiraamayaan Xirfadda Garsooraha Soomaaliyeed ee Cartan oo ah mid ku dadaalay hirgalinta hammigiisa.

“Kubadda cagta waxaa loo sameeyay inay isku xirto dadka, UEFA waxay dooneysaa inay ixtiraamto Omar iyo xirfadiisa garsoornimo ee aadka u wanaagsan,” ayuu yiri Madaxweynaha UEFA, Aleksander Čeferin

Garsoore Cumar Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa la qorsheynayaa inuu gaaro dalka Austria, halkaasi oo uu ku dhexdhexaadin doono Ciyaarta kama dambeysta ee u dhaxeysa Kooxaha PSG iyo Astan Villa.

Ciyaartan oo qabsoomeysa 12 bisha Agoosta ayaa la filayaa in ay daawadaan kumanaan Taageerayaal ah, maadama ay tahay gaba gabada Tartanka Super Cup.

Garsoore Cumar Cartan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa kordhay taageerada iyo xushmada ay u muujinayaan Bahda Kubadda Cagta iyo dhammaan dadweynaha caalamka.