Home WARAR Xiisadda Itoobiya & Eretareeya, miyay isu baddeli kartaa mid ficil ah?

Xiisadda Itoobiya & Eretareeya, miyay isu baddeli kartaa mid ficil ah?

0
153

Xiisadda Itoobiya & Eretareeya, miyay isu baddeli kartaa mid ficil ah?

Waxaa sii xooggaystay xiisadda u dhaxeysa Dalalka deriska ah ee horay u kala go’ay waa Itoobiya iyo Eretareeya, labada dhinac ayaa wada abaabul isugu jira Ciidan iyo mid diblumaasiyadeed oo Addis Ababa & Asmara wadaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa dhowaan luuqad adag kula hadashay Xukuumadda Asmara iyada oo ugu baaqday in ay ciidankeeda kala baxdo Ciidda Itoobiya inkasta oo Eretareeya ay iska fogaysay in ay gudaha Dalkaas ay ciidamo ka joogaan.

Khubarro kala duwan ayaa arrintaan ku sifeeyay billowga dagaal dhexmari kara Itoobiya iyo Eretareeya maadaama Addis Ababa ay qiil ka dhigan doonto in ay beegsanayaso askarta Asmara ee dalkeeda ku sugan sida hadalka loo dhigay.

Eretareeya ayaa Itoobiya ku eedeysay in ay u xeed-xeedanayso sidii ay ku gaari lahayd Dekedda Cas iyo dhulka kale ee u dhow halkaas oo ay u aragto in ay saldhig ka dhigan karto haddii ay awood isugu gayso sidii ay u qabsan lahayd.

Saaxiibadii siyaasadeed ee sanadkii 2018kii jebiyay gidaarkii colaadda ee tan iyo sanadkii 1998dii dhexyaallay Itoobiya & Eretareeya ayaa haatan dib u abuuray jawi cusub oo ah in ay difaacyo isku qotaan ciidamadii mar la dhadhansiiyay macaanka nabadda.

Itoobiya dagaal toos ah oo ay la gasho Eretareeya uma sahlana xiligaan marka la eego colaadda gudaheeda ka socda, iska ilaalinta Masar oo mar ku goodisay in ay burburin doonto Biyo xireenka Nile iyo dhaqdhaqaaqa dhinacyadeeda ka socda.

Sidaas oo ay tahay Xukuumadda Abiy Ahmed waxa ay rabtaa in mar uun ay rumayso riyadeeda helitaanka marinka Badda oo ciidamo badan ay u tababaray una diyaarsatay Maraakiib isugu jira kuwa dagaal iyo kuwa ciidanka sida ay ku warrameen ilo kala duwan.