Xeebaha Giriigga oo laga baadigoobayo Tahriibayaal la socday Doon rogmatay
Dalka Giriigga waxaa ka socda howlgallo lagu raadinayo in ka badan 20 Tahriibe oo la socday doon Degtay, waxaana la xaqiijiyay in uu dhintay hal qof halka lasoo badbaadiyay 55 qof sida ay ku warrameen saraakiil katirsan kooxaha gurmadka iyo ciidanka ilaaladaha xeebaha dalkaas.
Doonta dadkaan la degtay ayaa kasoo baxday Bariga Dalka Liibiya iyada oo kusii jeedday Jasiiradda Crete balse iyaga oo aanay gaarin halkii bartilmaameedka u ahaa ayay doonta rogmatay sida lagu sheegay xogaha la baahiyay.
Si dhab ah looma shaacin dalalka ay dadkaas u dhasheen, Dowladda Girigga ayaa ku howlan raadinta Dadka la waayay oo marka arrintooda dhinac ay u dhacdo kaddib shaacin doonta waddamada ay dadkaas u dhasheen.
Halista badda Mediterranean ayaa korortay, waxaa loo sababeeyay dabaylaha xooggan ee jira iyada oo doomaha ay dadku u raacaan si xad dhaaf ah oo marka uu miisaanka ama culaysku uu dhinac u bato rogmato sida hadalka loo dhigay.























