WHO “Faafitaanka Ebola waa xaalad Caalami ah oo u baahan in si degdeg ah looga hortago”
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay hoostaga ee WHO ayaa ku dhawaaqday in cudurka Ebola ee dalal kamid ah Qaaradda Afrika isaga kala gudbay uu yahay mid halis ah una baahan olole caalami ah oo looga hortagayo faafitaankiisa.
Cudurka Ebola ayaa inta la diiwaangeliyay waxa uu dilay ku dhawaad 90 qof halka ay jiraan Dad kale oo la idlaran cudurkaas, inta badan waxa uu ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo isaga oo u gudbay dalalka deriska la ah sida Uganda.
Inkasta oo Ebola uu faracyo badan yahay, haddana kan ka dilaacay dalalkaas waa kuwa aan weli loo helin tallaalka, waxaana billowgiisa uu kasoo ifbaxay magaalada loogu magac daray ee Bundibugyo ee Dalka Uganda sannadkii 2007
Calaamadaha lagu garto qofka uu ku dhacay waxaa kamid ah Qandho heer kulkeedu aad u sarreeyo, Madax-xannuun joogto ah, Matag, Shuban, Dhiig-bax gudaha ama dibadda ah oo qofka ku sababa in uu galo xaalad halis ah sida lagu sheegay Warka Hay’adda WHO.
Boqolaal qof oo looga shakisan yahay cudurkaan Ebola ayaa la dhigay Goobo Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, waxa ay Dowladdu sheegtay in ay baarayso si ay u xaqiijiyo haddii calaamadaha lagu arkay uu cudurkaas yahay iyo in kale.























