Home WARAR Waa kuma Sareeye Guuto Ibraahim oo noqday Talyihii 25-aad ee Ciidanka Xoogga?

Waa kuma Sareeye Guuto Ibraahim oo noqday Talyihii 25-aad ee Ciidanka Xoogga?

0
149

Waa kuma Sareeye Guuto Ibraahim oo noqday Talyihii 25-aad ee Ciidanka Xoogga?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo loo magacaabay Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Haddaab waa kuma Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed?

Jeneral Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho Febraayo 1, 1989, isaga oo ka mid ahaa dhalliyaradii dalka wax ku baratay xilligii burburka, sanadkii 2004 ayuu Caasimadda ku dhammeeyay dugsiga sare.

Sannad ka dib 2005 ayuu ku biiray Jaamacadda Muqdisho, waxa uu ka qaatay shahaadada koowaad uu ka diyaariyay Public Administration, oo uu dhammeeyay sanadkii 2009, waxa uu heerka labaad ee Jaamacadda uu ka diyaariyay Political Science and International Relations, isaga oo ka qaatay Jaamacadda Sabahattin Zaim ee dalka Turkiye, sanadkii 2019.

Sarreeyo Guuto Ibraahim oo ciidanka ku soo biiray yaraanimo ayaa madax ka noqday hawlgallada iyo akadeemiyada tababarka labadaba, isaga oo xilligaas ay mas’uuliyaddiisa ahayd; tababarka, anshaxa, maamulka, hoggaaminta iyo daryeelka Askarta.

2006 illaa 2007 ayuu qaatay Koorsada Sarkaalka Dagaalka ee Ciidanka Lugta, halka sanadkii 2010 illaa 2011 uu qaatay Koorso waxbarasho oo la xiriirta ciidanka, waxa uu halkaas ka sii watay dadaalladiisa waxbarasho uu ku hormarinayay aqoonta ciidannimo.

Sannadihii 2013 iyo 2014 waxa uu ahaa Sarkaal ka tirsan Xarunta hawlgalka iyo Isku-duwidda Howlgallada ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM, taas oo xaruntoodii ahayd magaalada Muqdisho.

Madaxtooyada Soomaaliya ayuu ka soo shaqeeyay 2017 iyo 2018, waxa uu ahaa Sarkaal Qorsheynta iyo Isku-duwidda Amniga, Xafiiska Madaxa Shaqaalaha ee Madaxtooyada Soomaaliya.

2019 waxa uu soo noqday Ku-xigeenka madaxa waaxda shaqaalaha ee Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halka 2019 illaa 2021 uu ahaa madaxa waaxda Maaliyadda iyo Maamulka ee Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Intii u dhaxaysay 2022-2024 Jeneraal Ibraahin waxa uu ahaa madaxa shaqaalaha, qeyb qorsheynta ee Ciidamada Kaydka Bariga Afrika, kuwaas oo fadhigoodu ahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyaha Soomaaliya ayaa 2024 u magacaabay Taliyaha taakuleynta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed uu ahaa tan iyo xilligaas, waxa uu maanta loo magacaabay Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Jeneraal Ibraahim ayaa noqonaya Taliyihii 25-aad ee Ciidanka Xoogga dalka, tan iyo markii la aasaasay ciidanka oo laga jooga 66 sano.

Taliyaha ciidanka Xoogga oo ah Aabe ayaa ku hadla Luqadaha Soomaali, Carabi, English iyo Turkey, waxaana la rumaysan yahay in uu qeyb ka yahya saraakiisha firfircoon ee qeybta ka ah dadaallada ay dowladda Soomaaliya wado ee dalka lagu nabadeenayo.