Home WARAR Waa kuma Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Dalka Bangladesh?

Waa kuma Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Dalka Bangladesh?

0
39

Waa kuma Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Dalka Bangladesh?

Doorashadii ka dhacday Dalka Bangladesh ayaa lagu kala calaf qaatay waxaana ku guulaystay Xisbiga Mucaaradka ee loosoo gaabiyo BNP waxaana u suuragashay in musharrixii xisbigaas uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha soo socda ee Dalkaas.

Waa kuma Tarique Rahman?

Waxa uu ku dashay Bangladesh 20kii November sanadkii 1965tii, waxaa dhalay Ziaur Rahman oo ah Madaxweynihii hore ee dalkaas halka ay Hooyo u tahay Khaleda Zia oo soo noqotay Ra’iisul Wasaare, waana ku xigeenka Xisbiga BNP.

Rahman Waxaa loo arkaa in uu yahay nin dalka Bangladesh ka samatabixin kara xaaladaha dhaqaale, siyaasadeed iyo jahwareerka kale uu dalkaas galay, waxa uu ballanqaaday in uu ka shaqayn doonno sidii uu usoo dhisi lahaa Xukuumadda Dadkiisa kasbata.

Waa Qurbo joog muddo ku noolaa Dalka Ingiriiska isaga oo degenaa Magaalada London, waxa uu dib ugu laabtay waddankiisa markii isbaddel xooggan uu ku yimid kaddib markii xilka laga tuuray Sheikh Hasina oo eedeymo badan loo jeediyay.