Turkiga oo ku dhawaaqday inuu nidaamka difaaca gantaallada ka hirgelinayo dalkaas.
Dawladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday inay nidaamka difaaca gantaallada ee Patriot ka hirgelinayso gobolka Malatya ee badhtamaha dalkaas.
Tallaabadan ayaa timid maalin uun ka dib markii gaashaanbuurta NATO ay hawada Turkiga ku dhex qabatay gantaalkii labaad oo nooca ballistic-ga ah oo muddo kooban gudaheed dalkaas lagu soo rido.
Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ayaa qoraal rasmi ah ku caddaysay ujeedka tallaabadan, iyadoo tiri:
“Waxaan qaadaynaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah sugidda amniga xuduudaha iyo hawadeenna. Waxaan wadatashi joogto ah la leenahay NATO iyo xulafadayada. Marka laga soo tago tallaabooyinka heer qaran, NATO waxay sii xoojisay nidaamka difaaca hawada iyo gantaallada ee dalka.”
Wasaaraddu waxay xaqiijisay in nidaamka Patriot la geynayo gobolka Malatya, kaas oo muhiimad istiraatiiji ah u leh amniga Turkiga iyo NATO.
Gobolkan ayaa hoy u ah saldhigga cirka ee Kurecik oo ay maamulaan ciidamada Mareykanka, halkaasna waxaa ku rakiban raadaarka digniinta hore ee NATO.
Raadaarkan ayaa loogu talagalay inuu ogaado, lana socdo dhaqdhaqaaqa gantaallada ballistic-ga ah ee laga soo rido dhanka bariga, gaar ahaan dalka Iran.
Tallaabadan ayaa muujinaysa walaaca isa soo taraya ee laga qabo amniga gobolka iyo khatarta ah in colaaduhu ay ku fidaan hawada dalka Turkiga.
























