Turkiga oo jaray xiriirkii Ganacsi ee Israaiil kala dhaxeeyay oo ku kacayay in ka badan $7 Bilyan oo Doollar

0
79

Turkiga oo jaray xiriirkii Ganacsi ee Israaiil kala dhaxeeyay oo ku kacayay in ka badan $7 Bilyan oo Doollar

Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in ay jartay guud ahaan cilaaqaadkii ganacsiga ah ee kala dhaxeeyay Israaiil kaas oo ku baxayay ballaayiin Doollar sabab la xiriirta xaaladda bani aadamnimo ee kasii daraysa ee Dhulka Falastiin.

Turkiga ayaa sheegay in aanay suuragal ahayn in Israaiil oo diiday xabbad-joojin isla markaana meel iska dhigtay Baaqyada caalamiga ah in uu lasii wadaago xiriir ganacsi sidaas awgeed dhamaan ganacsigii kala dhaxeeyay uu joojiyay.

Ankara ayaa sheegtay in Xukuumadda Benjamin Netanyahu ay doonayso in ay sii daadiyo dhiigga Dadka shacabka ah ee Falastiin halka inta ka badbaado xabbadda iyo duqaymaha ay gaysanayaan ciidanka Yuhuudda lagu dilayo Gaajo ama cunno la’aan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhowaan kulan gaar ah la qaatay madax katirsan dhaqdhaqaaqa Xamaas ee iska caabbinta kala hortagay ciidanka Yuhuudda ee damacsan dhul-ballaarsiga in ay sameeyaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Yuhuudda Israel Katz oo ka falceliyay go’aanka Turkiga ayaa eedayn culus u jeediyay Madaxweyne Erdogan waxaana uu ku tilmaamay in uu u dhaqmayo sida qof keligii taliye ah, tallaabadaas ayaa xaaladda kasii dartay iyada oo kala fogaysay labada dhinac.

La soco wixii kasoo kordha