Home WARAR Madaxweynihii hore ee Iiraan oo ka qayb galay aaska Cali Khamenei oo...

Madaxweynihii hore ee Iiraan oo ka qayb galay aaska Cali Khamenei oo ka dhacaya Tehran

0
2

Madaxweynihii hore ee Iiraan oo ka qayb galay aaska Cali Khamenei oo ka dhacaya Tehran

Warbaahinta Iiraan ayaa daabacday sawir muujinaya madaxweynihii hore ee Iiraan, Maxamuud Axmedinajad oo ka qayb galaya muaasabadda aaska maanta ee Ayatollah Cali Khamenei oo ka socota magaalada Tehran.

Axmedinejad lama arag tan iyo dagaalkii dhawaan dhexmaray Mareykanka iyo Israa’iil ee Iiraan, kaas oo sidoo kale lagu bartilmaameedsaday agagaarka gurigiisa.

Mudane Ahmadinejad waxaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii muranka dhalisay ee 2009, isaga oo madaxweyne ah, waxaa xabsiga la dhigay Mir Hossein Mousavi, Zahra Rahnavard, iyo Mehdi Karroubi.

Dadweyne aad u tiro badan ayaa buux dhaafiyey waddooyinka caasimadda Iiraan ee Tehran, iyagoo ka qaybgalaya aaska hoggaamiyihii sare ee geeriyooday, Ayatollah Cali Khamenei, kaas la dilay maalintii ugu horreysay ee dagaalkii u dhexeeyey Maraykanka, Israa’iil, iyo Iiraan bishii Febraayo.

Kadib markii meydkiisa lagu sagootiyey xarunta weyn ee cibaadada Grand Mosalla ee Tehraan, naxashkiisa ayaa hadda lagu wadaa waddo qiyaastii toban kiiloomitir ah oo dhex marta magaalada.