Home WARAR FIFA oo ka laabatay go’aan uu ka horyimid Trump

FIFA oo ka laabatay go’aan uu ka horyimid Trump

0
11

FIFA oo ka laabatay go’aan uu ka horyimid Trump

Ururuka Kubadda Caalamiga ah ee FIFA ayaa laalay kaarka gaduudka ah oo la siiyay Xiddiga Mareykanka, Folarin Balogun, xilli xulkaasi ay Arbacadii la ciyaarayeen Dalka Bosnia iyo Herzegovina.

Garsooraha ciyaartan oo kamid aheyd wareega 16ka ayaa go’aan ku gaarey in Xidigaan seego ciyaarta caawa ee Xulka Mareykanka u bixi doono Belgium.

Faragelinta Madaxweyne Trump iyo Go’aanka FIFA ayaa abuurtay hadalheyn.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa si toos ah ula xiriiray madaxa FIFA, Gianni Infantino, isagoo ka codsaday in dib u eegis lagu sameeyo kiiskan.

FIFA ayaa aqbashay codsigaas, taas oo dhalisay tuhun ku saabsan madax-bannaanida ururka.

Folarin Balogun, oo u ciyaara kooxda Monaco ee dalka Faransiiska, ayaa ah laf-dhabar u ah xulka Mareykanka, isagoo ilaa hadda dhaliyay saddex gool, waana xiddiga ugu goolasha badan xulkiisa ee tartanka Koobka Adduunka oo ay Mareykanku martigelinayaan.