Wednesday, February 18, 2026
Home WARAR Trump oo soo jeediyay inuu ka dhexdhexaadiyo Masar iyo Itoobiya khilaafka Wabiga...

Trump oo soo jeediyay inuu ka dhexdhexaadiyo Masar iyo Itoobiya khilaafka Wabiga Niil

0
66

Trump oo soo jeediyay inuu ka dhexdhexaadiyo Masar iyo Itoobiya khilaafka Wabiga Niil

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu dhexdhexaadiyo khilaafka biyaha Wabiga Niilka ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.

“Waxaan diyaar u ahay inaan dib u bilaabo dhexdhexaadinta Mareykanka ee u dhaxaysa Masar iyo Itoobiya si si masuuliyad leh loogu xalliyo su’aasha ‘Qaybsiga Biyaha Niilka’ hal mar iyo dhammaan,” ayuu ugu qoray Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi warqad, isaga oo sidoo kale ku daabacay akoonkiisa Truth Social.

Furitaanka Biyo-xireenka Dib-u-soo-kabashada Weyn ee Itoobiya (Grand Ethiopian Renaissance Dam) ee Addis Ababa 9-kii Sebtembar ayaa caro ka dhaliyay Masar, oo kamid ah waddamada uu maro webiga Niilka.

Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika oo dadkeedu gaarayo 120 milyan oo qof, ayaa $5 bilyan ku kharash garaysay biyo-xireenkeeda Niilka taas oo ay sheegtay inay tahay mid muhiim u ah himilooyinkeeda dhaqaale ee dalkeeda.

Masar waxay sheegtay in biyo-xireenka uu jebinayo heshiisyada caalamiga ah isla markaana sababi karo abaaro iyo fatahaado, taas oo Itoobiya diidday.

Trump ayaa hore u ammaanay Sisi, oo ay ku jirto safar uu ku tagay Masar bishii Oktoobar si uu u saxiixo heshiis la xiriira khilaafka Qaza. Hadaladiisa, Trump wuxuu ka tarjumay welwelka Masar ee ku saabsan arrinta biyaha.