Trump oo garab istaagay qorshaha Maxaabiista ay isku dhaafsanayaan Xamaas & Israa’iil
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bogaadiyay dedaallada wadahadalka ee lagu gaarayo xabbad-joojin iyo in maxaabiista is dhaafsadaan Dhaqdhaqaaqa Xamaas iyo Israa’iil kaddib labo sanno oo dhiig badan uu ku daatay Magaalada Gaza.
Donald Trump ayaa sheegay in dedaallada socda ay muujinayaan ififaale lagu soo afjarayo colaadda si loogu soo jeysto qorshaha dib u dhiska Magaalada Gaza isla markaana bulshada intooda badqabka dib ugu soo laabtaan guryahooda.
Qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Truth Social platform ayuu Donald Trump ku sheegay in dhaqdhaqaaqa wadaxaajoodka ah ee ka socda Qatar & Masar ay yihiin kuwo u baahan in la bogaadiyo oo si hagar la’aan ah loo garab istaago.
“Waa tallaabo togan in laga shaqeeyo sii daynta Maxaabiista, tani waxa ay ififaale nabadeed u tahay Bariga dhexe, waa dhabbaha lagu soo afjarayo colaadda taagan, sii daynta Maxaabiistu waa go’aan nabadeed oo waqti dheer ah” MW Maraykanka Donald Trump.
Madaxweyne Donald Trump oo ah hoggaamiye daqiiqad weliba isbaddeli kara ayaa dalkiisa Maraykanka ku dhaqaajiyay dhabbe dhibaatooyin nafeed iyo mid maaliyadeed kasoo gaaray kaddib markii uu Israa’iil ku dhinac istaagay duullaanka ay ku qaadday dalal badan.
























