Home WARAR Trump oo billaabay Masaafurinta dadka Sharci darrada ku jooga Mareykanka

Trump oo billaabay Masaafurinta dadka Sharci darrada ku jooga Mareykanka

0
60

Trump oo billaabay Masaafurinta dadka Sharci darrada ku jooga Mareykanka

Mareykanka ayaa soo masaafuriyay toban iyo shan qof oo u dhashay dalalka Koonfurta Ameerika, kuwaasi oo laga dajiyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Haween ka soo jeeda dalalka Colombia, Peru, iyo Ecuador ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in tan iyo markii la geeyay dalkan ku yaalla bartamaha Afrika toddobaadkii hore, aan loo oggolaan in dalkooda lagu celiyo.

Mareykanka iyo DRC Congo ayaa toddobaadkii hore wada saxiixday heshiis muran badan dhaliyay oo la xiriira Masaafurinta dadka aan sharciga ku heysan gudaha dalkaasi Mareykanka.

Tan iyo markii uu Trump dib ugu soo laabtay xafiiska madaxtooyada markiisa labaad wuxuu dhaqan galiyay sharuuc ka dhan ah dadka Muhaajiriinta ah.

Go’aannada uu qaatay Trump ayaa isugu jira xayiraad lagu soo Rogay soo-galootiga cusub iyo in dalka laga saaro dadka horey ugu sugnaa, kuwaas oo qaarkood ay haysteen xaalad sharci ah.

Inkastoo sharciga caalamiga ah uu mamnuucayo in qofka loo celiyo meel naftiisa khatar ku jirto, haddana muhaajiriintan ayaa sheegaya in lagu qasbay tagida dalka Congo oo la daalaadhacaysa colaado gudaha ah.